Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay u dejisay Jude Bellingham lacag dhan €125m (£108m), iyadoo kooxda heysata horyaalka Spain iyo Yurub aysan diyaar u ahayn inay bixiso lacag ka badan intaasi ayna tahay sharuudeeda ugu danbeysa.
19-sano jirkaan ayaa haatan ah mid ka mid ah ciyaartoyda loogu doonista badan yahay kubbada cagta aduunka, isagoo iska dhigay mid ka mid ah da’yarta khadka dhexe ee ugu sareysa ciyaarta intii uu joogay Dortmund.
Xili ciyaareed kan, Bellingham waxa uu dhaliyay sagaal gool waxaana loo diwangeliyay saddex caawin 22 kulan oo uu u saftay BVB, oo ay ku jiraan afar gool iyo hal caawin shan kulan oo Champions League ah.
Laacibka khadka dhexe waxa uu sidoo kale u saftay England koobkii adduunka ee 2022, isagoo ka caawiyay saddexda libaax inay u soo baxaan wareega 8da ee tartanka.
Bellingham ayaa gool ka dhaliyay xulka Iran ciyaartii ugu horeysay ee xulkiisa ee tartanka,waxana uu tan iyo markaas ka qeyb qaatay isku dhacyada USA,Wales iyo Senegal.
Dortmund ayaa la rumeysan yahay inay ku iibin doonto da’yarkan sanadka soo socda qiimo dhan €150m (£130m), iyadoo Manchester City , Liverpool , Manchester United iyo Chelsea ay dhamaantood xiiseynayaan.
Dhanka kale, madaxweynaha Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa ay xiiseyneyso saxiixa xiddiga reer England.