Shaxda adag ee Chelsea vs Tottenham oo La Shaaciyay

Antonio Conte ayaa dib ugu soo laabanaya Stamford Bridge oo waqtigii uu tababaraha ka ahaa Chelsea uu u qaaday horyaalka Premier League iyo koobab kale, laakiin maanta waxa uu hoggaaminayaa koox ay cadaawad weyni ka dhaxayso Blues.

Thomas Tuchel ayaa isaguna si weyn ugu diyaarinayay ciyaartoydiisa kulankan, waxaanay labada naadiba u dagaallamayaan sidii uu mid walba saddexda dhibcood uga qaadan lahaa kulankan, iyadoo toddobaadkii horena ay guuleysteen labaduba.

Chelsea ayaa shax adag kusoo gashay ciyaaarta, waxaana afka hore ee weerarka ugu soo bilowday Kai Havertz iyo Raheem Sterling oo uu caawinayo Mason Mount, halka khadka dhexena ay wada taagan yihiin N’Golo Kante, Jorginho iyo Loftus-Cheek.

Difaaca cusub ee Chelsea ay toddobaadkii hore la saxeexatay ee Marc Cucurella ayaa kusoo bilowday dhinaca bidix oo kasoo hormaray Ben Chilwell, halka Reece James uu isaguna ka ciyaarayao difaaca midig

Kalidou Koulibaly oo kasoo kabtay jug kasoo gaadhay ciyaartii hore ayaa difaaca dhexe kula soo bilowday Thiago Silva, hase yeeshee waxa aan gebi ahaanba garoonka joogin kabtanka Chelsea ee Cesar Apilicueta.

Antonio Conte ayaa isaguna ciyaaran kusoo bilaabay Son Heung-min iyo Harry Kane, hase yeeshee waxa uu fadhiisiyey weeraryahanka reer Brazil ee Richarlison oo xagaagii ay kala soo wareegeen Everton, kaas oo la filayay inuu kusoo bilaabanayo kulankan kaddib markii uu ganaax ku seegay toddobaadkii hore.

Khadka dhexe ayay ka wada ciyaarayaan Kulusevski oo gool dhaliyey midna caawiyey toddobaadkii hore, Ryan Sessegnon, Johbjerg iyo Bentancur, taas oo ka dhigan in Tottenham ay si weyn u xoojisay khadkeeda dhexe, halka difaacana ay wada taagan yihiin Eemerson Royal, Ben Davies, Dier iyo Cristian Romero.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Chelsea XI: Mendy, Silva, Koulibaly, James, Loftus-Cheek, Cucurella, Kante, Jorginho, Mount, Havertz, Sterling

Kaydka: Kepa, Pulisic, Chalobah, Broja, Ziyech, Gallagher, Hudson-Odoi, Chilwell

Tottenham XI: Lloris, Romero, Dier, Davies, Royal, Bentancur, Hojbjerg, Sessegnon, Kulusevski, Son, Kane

Kaydka: Forster, Doherty, Sanchez, Gil, Perisic, Richarlison, Moura, Tanganga, Bissouma

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*