Home Horyaalka Italy Shaxda Ay Chelsea Kaga Hor Tagayso kooxda Aston Villa.

Shaxda Ay Chelsea Kaga Hor Tagayso kooxda Aston Villa.

0

Chelsea ayaa rajo ka qabta in Pedro Neto iyo Malo Gusto ay diyaar u noqdaan kulanka Premier League ee ay la ciyaarayaan Aston Villa.

Labada ciyaaryahan ayaa seegay guushii 2-1 ee isbuucii hore ay ku garaaceen Leicester, Gusto oo xanuunsaday iyo Neto oo jug uu soo gaaray intii lagu jiray fasaxii caalamiga ahaa.

Labada ciyaaryahan midkoodna kama mid ahayn kooxdii safarka ee habeenimadii Khamiista ee guushii Heidenheim, laakiin tababare Maresca ayaa war fiican ka sheegay xaaladooda.

Dhanka kale xiddigaha Cole Palmer, Nicolas Jackson iyo Moises Caicedo ayaa la filayaa in ay ku soo laabtaan shaxda kadib markii la nasiyay kulankii bartamaha todobaadka.

Shaxda Ay Chelsea Ku Ciyaari Karto Kulanka:

Sanchez; Gusto, Fofana, Colwill, Cucurella; Caicedo, Lavia; Madueke, Palmer, Neto; Jackson

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here