Home Horyaalada Kale Shaxda Kooxda ugu Wanaagsan Sanadka 2020 ee abaal-marinta FIFPro World XI oo...

Shaxda Kooxda ugu Wanaagsan Sanadka 2020 ee abaal-marinta FIFPro World XI oo lasoo saaray

0

Kooxdii ugu wanaagsanayd sannadka 2020 ayaa la shaaciyey, waxaana kasoo muuqday xiddigo waaweyn oo ka kala ciyaara kooxo ka kala dhisan horyaallada waaweyn ee Yurub.

Xiddigaha reer Argentina iyo reer Portugal ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa kusoo baxay shaxda kooxdii ugu wanaagsanayd sannadka ee FIFA’s Team of the Year for 2020.

Gool-dhaliyaha Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa weerarka tooska ah ugu soo baxay kooxda sannadka iyadoo ay sidoo kale ka muuqdaan kabtanka Real Madrid iyo xulka Spain ee Sergio Ramos oo sannadihii horena kusoo baxay kooxdan.

Laacibka reer Spain ee Thiago Alcantara oo Bayern Munich aasaasi u ahaa guulihii ay gaadhay, xagaagiina uga wareegay Liveprool ayaa khadka dhexe ee kooxdan taagan, waxaana ku wehelinaya Kevin de Bruyne iyo Kimmich.

Difaacyahannada Liverpool ee Alexander-Arnold iyo Virgil van Dijk ayaa Sergio Ramos iyo Davies kula jira kooxda sannadka, halka goolhaye Alisson Becker uu isaguna goolhayaha sannadka yahay.

Sergio Ramos oo ka hadlay inuu ka mid noqday kooxda ugu wanaagsan sannadka, ayaa yidhi: “Wayxaabaha furaha u ah inaan sii wado damacan, waa inaan guuleysto, taas ayaa iga dhigtay mid heerka u sarreeya jooga, waana doonista guusha.

“Waxaan jecelahay in sannad kasta ay wax walba kasoo bilowdaan EBER. Waxaan jecelahay inaan yeesho ahdaaf cusub iyo inaan waxyaabo cusub gaadho sannad kasta si aan u noqdo ciyaartoy wanaagsan. Sharaf ayay ii tahay inaan ka mid noqdo kooxda ugu wanaagsan dunida.”

Shaxda kooxdii sannadka oo dhamaystiran:

GOOLKA: Alisson

Difaaca: Alexander-Arnold, Van Dijk, Ramos, Davies

Dhaxda: Kimmich, De Bruyne, Thiago

Weerarka: Messi, Lewandowski, Ronaldo.

Dhaxda: Kimmich, De Bruyne, Thiago

Weerarka: Messi, Lewandowski, Ronaldo.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here