Shaxda Rasmiga: Chelsea Vs Manchester United Kulanka Derbiga ee Horyaalka Premier League-ga, Liiska Xidigaha lagu soo bilaabay Ciyaarta

kooxda Chelsea ayaa garoonkeeda ku soo dhaweeneysa kooxda Manchester United kulan ka Tirsan Horyaalka Premier league-ga.

Blues ayaa weli hogaanka u heysa horyaalka iyadoo leh 29 dhibcood 12kii kulan ee furitaanka, halka kooxda Michael Carrick ay ku fadhiso booska 7aad iyagoo 12 dhibcood ka hooseeya kooxda heysata horyaalnimada Yurub.

Tuchel ayaa ciyaartan kusoo bilaabay weeraryahanka reer Germay ee Timo Werner oo ay caawinayaan Hudson-Odoi iyo Hakim Ziyech, waxaana kaydka ku jira Romelu Lukaku oo kasoo laabtay dhaawac hase yeeshee aan diyaar u ahayn inuu kusoo bilowdo.

Jorginho, Loftus-Cheek, Marcus Alonso iyo Reece James ayaa dhexda jooga, halka difaacana ay saddexda laacib ee Chalobah, Thiago Silva iyo Antonio Rudiger kusoo wada bilowdeen.

Manchester United waxa hoggaaminaya Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford, hase yeeshee waxa kaydka loo diray Cristiano Ronaldo, halka Jadon Sancho uu dhinaca midig kusoo bilowday.

Khadka dhexe ayay wada joogaan McTominay, Fred iyo Bruno Fernandes, difaacana waxa ku yimid isbeddello ay keeneen dhaawacyo iyo ganaaxyo. Eric Baily ayaa difaaca la taagan Lindelof, halka dhinaca bidixna uu Alex Telles ka beddelay Luke Shaw iyo Wan-Bissaka oo booskiisa xajistay.

Shaxda Rasmiga ee labada koox

Chelsea: Mendy, Chalobah, Silva, Rudiger, James, Alonso, Jorginho, Loftus-Cheek, Ziyech, Hudson-Odoi, Werner.

Subs: Kepa, Christensen, Lukaku, Pulisic, Niguez, Barkley, Mount, Azpilicueta, Havertz.

Man united: De Gea, Wan-Bissaka, Lindelof, Bailly, Telles, Fred, Matic, McTominay, Sancho, Fernandes, Rashford.

Subs: Henderson, Jones, Ronaldo, Mata, Martial, Greenwood, Lingard, Dalot, Van de Beek.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*