
Brazil iyo Croatia ayaa uu midkood u gudbi doonaa wareegga semi-finalka Koobka Adduunka, iyadoo xiddigahoodu ay hadda ku sugan yihiin garoonka Education City Stadium.
Tababare Tite ayaa kusoo bilaabay shaxdii uu ku garaacay South Korea wareeggii 16ka Koobka Adduunka, taas oo ka dhigan in Neymar uu weerarka kula soo bilowday Richarlison, Raphinha iyo Vinicius Junior, halka Eder Militao uu difaaca midig ka dheelayo oo uu Danilo tegayo booska uu ka maqan yahay Alex Sandro.
Xulka Croatia ayaa lagu sameeyey laba isbeddel, waxaana ciyaartiisii koowaad kusoo bilowdaya Mario Pasalic, halka Borna Sosa uu isaguna kasoo laabtay dhaawac.
Brazil XI: Alisson, Militao, Silva, Marquinhos, Danilo, Casemiro, Paqueta, Raphinha, Neymar, Vinicius Jr, Richarlison
Kaydka: Weverton, Ederson, Fred, Alves, Fabinho, Guimaraes, Antony, Rodrygo, Ribeiro, Bremer, Pedro, Martinelli
Croatia XI: Livakovic, Sosa, Gvardiol, Lovren, Juranovic, Kramaric, Modric, Brozovic, Kramaric, Pasalic, Perisic
Kaydka: Erlic, Majer, Grbic, Vlasic, Livaja, Petkovic, Budimir, Orsic, Vida, Ivusic, Sutalo, Sucic, Jakic, Barisic
Be the first to comment