Shaxda Rasmiga Liverpool Vs Crystal Palace, Xidigaha Safka hore lagu soo bilaabay

Jurgen Klopp ayaa go’aan adag ka qaatay daafaca ka garab ciyaaraya Virgil van Dijk iyadoo Liverpool ay dooneyso inay sii wadato guulaheeda kulanka ay galabta la dheelayaan kooxda Crystal Palace.

Kooxda Gorgorka lagu naaneeso ayaa marti ku ah Anfield, seddex maalmood ka dib markii ay Reds 3-2 ku garaacay AC Milan kulankii Champions League.

Joe Gomez oo lagu soo bilaabay kulankiisii ugu horeysay xilli ciyaareedka kulankii Champions League ayaa booskiisa waayay iyadoo Klopp uu ka doorbiday inuu Palace kala hortago Van Dijk iyo saxiixa cusub Konate kaasoo safanaya kulankiisii ugu horeysay.

Daafaca reer Cameroon Matip ayaa dheelay dhamaan 90ka daqiiqo ee shantii kulan ay Liverpool dheeshay xilli ciyaareedkan, sida degan ee uu ciyaarta u akhriyo iyo sida uu weerarka u caawiyo ayaa soo jiidatay tababare Klopp, laakiin kulankaan waa laga soo tagay gabi ahaanba, iyadoo Gomez uu fadhiyo kursiga keydka.

Dhanka kale Robertson ayaa keyd la dhigay iyadoo Milner uu ku soo bilowday daafac bidix halka Tsmikas uu bedelay Alexander-Arnold.

Firmino ayaa weli dhaawac ku maqan halka Van Dijk iyo Sadio Mane ay soo laabteen ka dib markii la nasasiiyay kulankii AC Milan.

SHAXDA RASMIGA AH:

Liverpool: Alisson, Milner, Van Dijk, Konate, Tsimikas, Thiago, Henderson, Fabinho, Jota, Salah, Mane.

Keyd: Kelleher, Gomez, Phillips, Robertson, Keita, Oxlade-Chamberlain, Jones, Minamino, Origi.

Crystal Palace: Guaita, Ward, Guehi, Andersen, Mitchell, Gallagher, Kouyate, McArthur, Ayew, Benteke, Zaha.

Keyd: Butland, Tomkins, Clyne, Kelly, Riedewald, Milivojevic, Hughes, Olise, Edouard.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*