
Ciyaar aad loo wada sugayo oo ka tirsan horyaalka Premier League ayaa bilaabaneysa sabtida, iyadoo Manchester City ay Etihad Stadium ku soo dhaweyneyso kooxda ugu dhow ee Chelsea.
Wiilasha Pep Guardiola ayaa haatan 10 dhibcood ka sareeya kooxda ay soo dhaweynayaan ee kala sareynta, iyadoo guuldarro kale oo soo gaartay Blues ay u muuqato mid halis ah.
ababare Guardiola ayaa kulankan kusoo bilaabay Jack Grealish bedelka Riyad Mahrez oo koobka qaramada Africa ku maqan halka Romelu Lukaku uu hoggaaminayo safka Chelsea ee Malang Sarr daafaca uga soo muuqday
Shaxda Labada Kooxood Ee Kulankan
Man City: Ederson, Walker, Stones, Laporte, Cancelo, Rodri, De Bruyne, Foden, Bernardo Silva, Grealish, Sterling.
Keydka: Steffen, Dias, Gundogan, Jesus, Fernandinho, Mbete, McAtee, Lavia, Wilson-Esbrand.
Chelsea: Kepa, Thiago, Rudiger, Sarr, Azpilicueta, Kante, Kovacic, Alonso, Pulisic, Ziyech, Lukaku.
Keydka: Bettinelli, Jorginho, Werner, Loftus-Cheek, Saul, Barkley, Mount, Hudson-Odoi, Havertz.
Be the first to comment