Shaxda Rasmiga: Real Madrid Vs Athletic Bilbao ee Horyaalka La-Liga Spain, Ancelotti oo isbadal Sameeyay

Real Madrid ayaa martigelinaysa kooxda Athletic Bilbao Caawa kulan ka tirsan Horyaalka La Liga Spain oo ka dhicidoona Garoonka Santiago Bernabeu.

Los Blancos ayaa afar dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaanka horyaalka La Liga ka dib markii ay guul ka gaartay kooxda Sevilla isbuucaan, halka kooxda martida ah ay arkeen guul la’aantooda horyaalka oo ay ku sii dheereeyeen shan kulan.

Carlo Ancelotti ayaa hal isbeddel ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray Sevilla, isaga oo aaminay toban laacib oo udub dhexaad ahaa.

Weerarka ayay kusoo wada bilowdeen Vinicius Junior, Marco Asensio Karim Benzema, halka khadka dhexena aanu taabanin saddexda rukun ee Casemiro, Luka Modric iyo Toni Kroos, hase yeeshee difaaca midig ee Dani Carvajal ayaa la nasiyey, waxaana kasoo hormaray Lucas Vazquez oo ka garab ciyaaraya Militao, Alaba iyo Mendy.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Real Madrid XI: Thibaut Courtois, Lucas Vazquez, Eder Militao, David Alaba, Ferland Mendy, Casemiro, Toni Kroos, Luka Modric, Marco Asensio, Vinicius Junior, Karim Benzema.

Athletic Bilbao XI: Unai Simon, Lekue, Nuñez, Yeray, Balenziaga, Dani Garcia, Vencedor, N. Williams, Muniain, Raul Garcia, Williams.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*