Shaxda Ugu Fiican Premier League Todobaadkan Oo La Soo Saaray.

Tottenham ayaa wali sii haysa hogaanka horyaalka premier League kadib bar-barihii ay la galeen kooxda chelsea kulan ka dhacay Stamford Bridge.

Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool ayaa dhankeeda wali hogaanka la wadaagaysa kooxda Tottenham kadib markii ay bar-baro la galeen kooxda Brighton.

Man United ayaa guul soo laabasho leh oo ay ka gaadhay Southampton halka ay Man City xasuuqday kooxda Burnley oo ay 5/0 ku garaacday.

Dhanka kale Arsenal ayaa guuldaro kale kala kulantay garoonkeeda halka ay Everton guuldaro kala kulantay Leeds United.

West Brom ayaa jabisay rikoodhkii guul la’aanta iyaga oo garaacay kooxda Sheffield United Halka ay Fulham ka yaabsatay kooxda Leicester City.

Kooxda West Ham ayaa kaalinta 5-aad soo gashay kadib markii ay guul ka gaadhay kooxda Aston Villa.

Hadaba shabakada BBC Sport ayaa soo saartay shaxdii ugu fiicnayd ee horyaalka premier League todobaadka 10-aad ee horyaalka:

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*