Waxa la soo afjaray kulamadii 16-aad ee horyaalka premier League oo la ciyaaray 3-dii maalin ee la soo dhaafay.
Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa dhibco lumiyay kadib markii bar-baro la galeen kooxaha Everton iyo Fulham.
Dhinaca kale kooxda Man United ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Man City kulan ka dhacay Etihad.
Kooxda chelsea ayaa ka faa’iidaystay bar-baraha Liverpool iyo Arsenal waxana ay ka badiyeen kooxda Brentford.
Kadib kulamada todobaadka waxa la soo saaray shaxda ugu fiican tartanka Premier League.
Kooxda Tottenham ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig.
Kooxaha Man United Iyo Newcastle ayaa shaxda ku leh min 2 xiddig halka kooxaha chelsea, Crystal Palace, Nottingham Forest ayaa shaxda ku leeyihiin min hal xiddig.