Shaxda Ugu Fiiican Todobaadkan Horyaalka Ingariiska ee Premier League Oo La Soo Saaray

Kooxda Tottenham ayaa wali sii joogta kaalinta 1-aad ee horyaalka premier League kadib ba-rbarihii 1/1 ahaa ee ay la gashay Crystal Palace iyada oo Liverpool isla natiijadaas oo kale ka heshay fulham.

Arsenal ayaa xaalku ku xumaaday iyaga oo guuldaro kale kala kulmay Burnley halka ay Leicester City iyo Southampton kala garaaceen Brighton iyo Sheffield United.

West Ham ayaa iyadu 2/1 ku garaacday Leeds halka ay Everton 1/0 ku garaacday Chelsea xilli ay Aston Villa 1/0 kaga badisay Wolves.

Newcastl United ayaa iyadu 2/1 uga badisay West Brom halka United iyo Man City bar-baro ku kala bexee.

Kadib kulamadii todobaadk 12-aad ee premier League waxa la soo saaray shaxda ugu fiican horyaalka premier League todobaadkan.

Kooxaha Aston Villa iyo Leicester City ayaa min 2 xiddig ku leh shaxda halka kooxaha Everton, West Ham, Southampton, Liverpool, Fulham, Crystal Palace iyo Newcastle min hal xiddig ku leeyihiin.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*