Shevchenko oo laga ceyriyay Genoa ka dib labo bilood oo kaliya oo uu maamulayay kooxda

Genoa ayaa ceyrisay Andriy Shevchenko labo bilood kaliya ka dib markii ay u magacaawday macalinka kooxda.

Macalinka Ukrain ayaa loo shaqaaleysiiyay inuu beddelo Davide Ballardini 7-dii November, iyadoo magacaabistiisa ay ka mid tahay go’aannadii ugu horreeyay ee ugu waaweynaa ee ay gaaraan Maamulka Cusub ee kooxda.

Shevchenko ayaa ka tagay doorkisii macalinimo ee Ukraine bishii Ogosto, isagoo wadankiisa ka saaray heerka group-yada ee koobka qaramada Yurub markii ugu horeysay taariikhda Euro 2020.

Si kastaba ha ahaatee, qaab ciyaareedka Genoa ma muujin wax horumar ah intii uu joogay weeraryahankii hore ee Chelsea iyo Milan.

Sagaal kulan oo Serie A ah, Shevchenko ma uusan hogaaminin hal guul – waxa ay aruursadeen seddex dhibcood.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*