Home Warka Xiisaha Leh Shuruuda Man United Ka Xigta Inay Saxiixa Mbappe Kula Tartanto Real Madrid...

Shuruuda Man United Ka Xigta Inay Saxiixa Mbappe Kula Tartanto Real Madrid oo la Ogaaday

0
Ad

Manchester United ayaa la filayaa inay noqoto kooxda kaliya ee Real Madrid sida dhabta ah ugula loolanta saxeexa weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe.

Madrid ayaa 24 sano jirkaas si weyn loola xidhiidhinayay suuqyadii tagay oo dhan, waxay kooxda ree Spain filanaysay inuu xagaagii 2022 si xor ah ugu soo biiri doono balse wuxuu go’aansaday inuu Paris baaqi kusii ahaado.

Ad

Real Madrid ayaan la filayn inay gudaha suuqan u dhaqaaqdo Mbappe maadaama aysan qorshaynayn inay wax lacag ah ka bixiso saxeexiisa isla markaana rabin inay wax wadahadal ah la gasho PSG.

Sida uu sheegayo wargeyska Daily Express, Manchester ayaa gali karta tartanka Mbappe iyadoo shuruuda kaliya ee ku xidhan inay u tartantaa tahay inuu kooxda iibsado Bilyaneerka Qatari-ga ah ee Sheikh Jassim Bin Hamad Al Thani.

Sheikh Jassim ayaa doonaya inuu Old Trafford ka dhiso koox markale noqota quwad Yurub ka tartanta, in Paris sidoo kale laga leeyahay Qatar ayaa wax badan sahli karta.

Saxeexa weyn ee Real Madrid xagaagan ku tashanayso ayaa ah Jude Bellingham oo ay ku dhaw yihiin inay Borussia Dortmund kala wareegaan.

Previous article“Chelsea, Man United Iyo Arsenal Ayaa Lacag Naga Badan Suuqa Galiyay, Waa Been In….” – Masuul Man City Ah Oo Kooxo Badan Jiidhay
Next articleReal Madrid oo horyaalka La Liga ka heshay ciyaaryahanka ay kusoo xoojinayso weerarka kooxdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here