Sidee Ayuu Cristiano Ronaldo uga Falceliyay Goolasha uu dhaliyay Xidiga Goncalo Ramos

Xidiga Ronaldo ayaa keydka lagu soo bilaabay Kulankii ugu danbeeyay ee Xulkiisa Waxana wacdaro dhigay Xidiga laga doorbiday kaasi oo Saddaxley dhaliyay.

Goolasha Goncalo Ramos ayaa yimid labada Qeyb ee ciyaarta waxana warbaahinta badankooda ay falanqeeyeen Falcelinta uu sameeyay Xidiga Ronaldo taasi oo in badan lasoo dhaweeyay.

Ronlado ayaa soo aaday dhanka xidiga Da’yarka Goncalo Ramos kadibna la dabaal-dagay kadib goolashiisa muhiimka ahaa.

Warbaahinta Caalamka ayaa dhoor jeer soo bandhigay falcelinta Ronaldo oo ah inuusan ku farxin marka xidig ka tirsan kooxdiisa uu dhaliyo gool.

Tabaraha Xulka Portugal ayaa Caawa guul muhiim ah gaaray madama uu saameyn yeeshay ninka uu ka doorbiday Ronaldo.

Sida ay u muuqato Ronaldo ayaa keydka la dhigi karaa kulanka xiga ee Xulkiisa la ciyaarayo Portugal.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*