Home Warka Xiisaha Leh Simone Inzaghi oo farrin u diray xiddigaha kooxdiisa kahor Finalka UEFA Champions...

Simone Inzaghi oo farrin u diray xiddigaha kooxdiisa kahor Finalka UEFA Champions League

0

Macalinka kooxda Manchester City ee Simone Inzaghi ayaa farrin u diray xiddigaha kooxdiisa kahor Finalka UEFA Champions League ee ay 10-ka bishan June la ballansan yihiin kooxda Manchester City.

City ayaa shalay koobkeedii labaad ee xilli ciyaareedka oo FA Cup ah kaga guuleysatay Man United waxayna ku riyoonaysaa inay saddexleyda koobabka dhammaystirto Finalka ay Inter kula ciyaari doonto Istanbul.

Inter oo qudheedu xaalad fiican ku jirta muddooyinkan ugu dambeeyay ayaa xalay guul kusoo xidhatay Serie A kaddib markii ay ka adkaatay dhigeeda Torino.

Inzaghi oo kulankaas kaddib ka hadlay Finalka CL ayaa sheegay inay tahay in kooxdiisu isku diyaariso inay dhibtooto Finalka.

“Maanta City waxay la ciyaartay United oo ah koox wanaagsan. Waxaanu u baahan doonaa inaan wadajir u dhibtoono oo aan si wanaagsan kubadda u ciyaarno, sababtoo ah waa inaanu kubad haysashada u diidno una weerarno si dheelitiran”.

“Toddobaadkan ayaanu isku diyaarin doonaa, waxaanu rajaynaynaa inaanu qofkasta isagoo taam ah dib u helno”.

“Rajo ayaa jirta kaddib Sabtidu wuxuu noqon doonaa kulan weyn kaas oo aynu dhammaanteen rajaynayno”.

 

Previous articleHeshiiska Uu Mason Mount Ka Diiday Chelsea Kahor Inta Uusan Aqbalin Man United Oo Kaa Yaabinaya
Next articleWAR DEG DEG AH:Real Madrid oo si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu ka tegayo Karim Benzema

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here