Sir Alex Ferguson oo Magacaabay Macalinka u Qalma Tabaraha ku Meel gaarka ee Kooxda Manchester United

Sir Alex Ferguson ayaa lagu soo waramayaa inuu Steve Bruce ku taageerayo inuu noqdo ninka si kumeel gaar ah u sii hayn doona Manchester United ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda ayaa ceyrisay Ole Gunnar Solskjaer dhamaadkii Isbuuc ka dib guuldaradii 4-1 ee ka soo gaartay Watford, Michael Carrick ayaa qaban doona shaqada halka bedelkiisa la helo.

Magacyo dhowr ah ayaa lala xiriiriyay doorkaas waxaana la rumeysan yahay in Red Devils ay keeni doonto tababare ku meel gaar ah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Football Insider , Sir Alex Ferguson waxa uu jeclaan lahaa in ninkaas uu noqdo daaficii hore ee Manchester United Steve Bruce, kaasoo ay dhawaan iska fasaxday Newcastle United.

Ferguson waxa uu aaminsan yahay in Bruce uu khibrad u keeni doono doorka si uu wax walba u sii ahaado xilli ciyaareedkan ka hor inta aan la helin tababare waqti buuxa ah.

Tababarihii hore ee Newcastle ayaa soo maamulay 1,000 ciyaarood intii uu ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed, taasoo keentay inuu la shaqeeyo kooxaha Sunderland, Aston Villa iyo Birmingham City.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*