Home Warka Xiisaha Leh Sofyan Amrabat oo magacaabay saddex ciyaartoy oo Manchester United rukunno adag u...

Sofyan Amrabat oo magacaabay saddex ciyaartoy oo Manchester United rukunno adag u ahaan jiray oo uu raadkooda raaci doono

0

Xiddiga reer Morocco ee Sofyan Amrabat ayaa magacaabay saddex ciyaartoy oo Manchester United rukunno adag u ahaan jiray oo uu raadkooda raaci doono, kaddib markii uu maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyga ka degay Old Trafford oo uu amaah iib la socdo ugaga soo wareegay Fiorentina.

Manchester United ayaa waxay xaqiijisatay saxeexa laacibkan markii ay ogolaatay in ay £8.5 milyan oo Gini ah u shubto Fiorentina, balse waxay fursad u haystaan inay si rasmi ah ugu iibsan karaan £21.5 milyan oo Gini oo kale xagaaga dambe.

Amrabat ayaa la sheegay in uu usoo wareegay Manchester United isaga oo dhaawac ah, isla markaana aan la hubin waqtiga uu kulankiisa koowaad ciyaari doono, hase yeeshee Manchester United waxa walwalka ka yareeyey markii uu laacibkani dib ugu laabtay waddankiisa Morocco oo uu iskugu diyaarinayo kulamada caalamiga ah ee dhamaadka usbuucan iyo toddobaadka dam e la ciyaari doono.

Si kastaba, Amrabat oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka sheekeeyey saddex ciyaartoy oo uu raadkooda raaci doono, isaga oo dhinaca kalena xusay ciyaartoydii waaweynaa ee uu daawan jiray ee u dheeli jirtay Manchester United, waxaanu yidhi: “Man United waxa soo maray ciyaartooyo badan oo heersare ah iyo kuwo khad dhexe oo da’yar ahaa. Si guud, waxa aan anigu inta badan daawan jiray oo aan ku dayan jiray Paul Scholes, Roy Keane iyo David Beckham.

“Laakiin waxa jiray ciyaartooyo badan oo kale oo waaweyn, sida Gary Neville, Rio Ferdinand, Louis Saha, Wayne Rooney, Cristiano Ronaldo. Hal saac ayaan wadi karayaa tirinta ciyaartoydii soo martay Man United.”

Previous articleErik ten Hag oo loo sheegay in uu iska illoobo oo aanu marnaba niyadda gashanin in uu ku guuleysto horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League
Next articleHoryaalka Premier League oo shaaciyey lix ciyaartoy oo ku tartamaya abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa bishii Augus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here