Kooxda Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa in la siiyay dhiiro galin ka hor kulanka ay la ciyaarayaan kooxda Man City xilli uu Son Heung-min ku soo laabtay kooxda ka hor wakhtiga loo qabtay.
Son ayaa ku maqnaa waajibaadka xulkiisa South Korea wuxuuna ka qeyb qaatay ciyaartii Talaadada ay 2-1 kaga badiyeen Qatar.
Waxaa jiray cabsi ah in 28 jirkaan uu ku keli ahaado dalkiisa hooyo ka dib markii cudurka coronavirus uu ka dhex dilaacay xulka South Korea.
Si kastaba ha noqotee, Son ayaa laga tijaabiyay xanuunka waxaana la siiyay ogolaansho inuu dib ugu duulo Britain, iyadoo Evening Standard ay qortay in Spurs ay diyaarad qaas ah soo saartay.
Tottenham ayaa haatan heysata weeraryahan diyaar u ah kulanka Sabtida ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Man City.
Isaga oo horraantii toddobaadkan hadlaya, tababare Jose Mourinho waxa uu su’aal galiyay sababta ay wali u sii socdaan ciyaaraha caalamiga ah , markii uu arkay Matt Doherty oo tijaabo caafimaad laga helay COVID-19