Southampton 0-1 Manchester United: Red Devils oo guul cariiri ah ka gaartay kooxda Southampton

Goolka uu dhaliyay Bruno Fernandes qeybtii danbe ee ciyaarta ayaa ku filnaaday in Manchester United ay 1-0 kaga badiso Southampton kulan ay marti aheyd

Erik ten Hag ayaa isbadal kale sameeyay iyadoo Casemiro, Cristiano Ronaldo iyo Harry Maguire dhamaantood loo magacaabay kursiga kaydka kulankan

ciyaarta oo socotay 55 daqiiqo, kooxda martida ahayd ayaa hogaanka ciyaarta qabatay iyadoo Bruno Fernandes uu si qurux badan u dhameystiray kubad banaanka loo soo dhigay

Southampton ayaa dalbatay in lasiiyo rikoodhe daqiiqaddii 61aad kaddib markii ay kubaddu gacanta kaga dhacday Scott McTominay oo ku jiray xerada ganaaxa. Laacibkan ayay kubaddu ku dhacday gacantiisa laakiin ma ahayn mid badheedh ah oo leexisay jihadeeda oo noqon karaysay rikoodhe.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*