Home Horyaalka Italy Southampton oo ceyrisay tababare Russell Martin

Southampton oo ceyrisay tababare Russell Martin

0

Southampton ayaa ceyrisay tababare Russell Martin wax yar ka dib markii ay kooxdiisu 5-0 guuldarro ah kala kulmeen Tottenham Hotspur axadii taasoo ka dhigtay inay noqdaan kooxda ugu hooseysa Premier League.

Guuldaradii bahdilaadda aheyd ee ay Spurs ku dhalisay shan gool qaybtii hore ee ciyaarta, waxa ay Southampton ka dhigtay mid shan dhibcood kaliya heshay 16 kulan oo ay ciyaartay Premier League.

Martin ayaa ahaa tababarihii labaad ee Premier League ee la ceyriyay maanta ka dib markii kooxda Wolverhampton Wanderers ku dhawaaqday ceyrinta Gary O’Neil.

Xaqiiq xaaladdeenna waa caddahay, guddigu waxay taageereen Russell iyo shaqaalihiisii waxayna kaga mahadcelinayaan howshii uu qabtay” ayaa lagu yiri bayaanka naadiga Southampton kasoo baxay.

Martin ayaa la magacaabay bishii June 2023, wuxuuna ku hogaamiyay Southampton inay u soo baxdo xilli ciyaareedkii hore Premier League, isagoo ku kasbaday sumcad qaab ciyaareedkii soo jiidashada lahaa ee kooxda ugu soo laabatay horyaalka heerka koowaad.

Afar tababare ayay ceyriyeen kooxaha Premier League iyadoo aan la gaarin kala bar xili ciyaareedka, waana wax aan hore u dhicin taariikhda.

Steve Cooper ayaa laga ceyriyay shaqada Leicester City, iyadoo Erik ten Hag oo u dhashay dalka Holland isna laga ceyriyay kooxda Manchester United, waxaana liiska ku biiray labadii macalin ee Southampton iyo Wolves oo maanta la ceyriyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here