Spain 7-0 Costa Rica: Xulka Spain oo Geestay Xasuuqii ugu Weynaa ee Koobka Adduunka 2022

Xulka Spain ayaa Xasuuqday Costa Rica ciyaar ka tirsaneyd Group E ee koobka aduunka taasoo ku dhamaatay 7-0 , Spain ayaa sidaasi ku gaartay guushii ugu weyneyd ee Qatar 2022.

Dani Olmo ayaa Hogaanka u dhiibay isagoo daqiiqadii 11-aad dhaliyay goolka furitaanka garoonka Doha’s Al Thumama Stadium, isagoo dhaliyay goolkii 100-aad ee Spain ee koobka adduunka.

Spain ayaa daqiiqadii 21-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Marco Asensio kaas oo ciyaarta ka dhigay.

Spain ayaa Markaasi kadib Shabaqa daris la noqday waxana 5 Gool Raacsaday Xidigaha kala ah, Ferran Torres, Gavi, Soler iyo Soler iyadoo Kulanka uu ku soo dhamaaday 7-0.

Japan, oo 2-1 kaga naxsatay Germany horaantii maanta, ayaa ku jirta kaalinta labaad.

Germany iyo Costa Rica ayaa ah labada xul ee ugu hooseeya Group-ka.

Ciyaarta soo socota, Spain waxay wajihi doontaa Germany 27-ka Nov. garoonka Al Bayt Stadium.

Kaliya labada kooxood ee ugu fiican guruub walba ayaa gaari doona wareega 16 ka marka ay ciyaaraan kulanka seddexaad.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*