Home Warka Xiisaha Leh Stefano Pioli oo qish ka bixiyey xaaladda dhaawaca weeraryahanka reer Portugal ee...

Stefano Pioli oo qish ka bixiyey xaaladda dhaawaca weeraryahanka reer Portugal ee Rafael Leao

0
Ad

Tababaraha AC Milan ee Stefano Pioli ayaa qish ka bixiyey xaaladda dhaawaca weeraryahanka reer Portugal ee Rafael Leao ka hor kulanka caawa ee Inter Milan ee lugta labaad ee semi-finalka Champions League.

Labada kooxood ee isku magaalada ah ayaa caawa ay midkood iska xaadirin doontaa finalka iyadoo lugtii hore ay Inter ku adkaatay 2-0, waxaana goolasha u dhaliyey Edin Dzeko iyo Henrikh Mkhitaryan.

Ad

Leao ayaa dhaawac muruqa ah kaga maqnaa lugtii hore, waxaana si weyn looga tabay afka hore ee weerarka kooxdiisa oo kala daadsanaa, iyaga oo kaliya 13 jeer toogtay goolka Inter Milan, kuwas oo laba mar oo kaliya ay kubadda goolka ku aaddiyeen.

Tababarkii Isniintii shalay ayaa uu Rafael Leao la qaatay ciyaartoyda kooxdiisa, waxana tababare Stefano Pioli oo la hadlay saxaafaddu uu sheegay in uu fiican yahay, inkasta oo aanu sheegin inuu kusoo bilaabi doono iyo in kale.

“Rafael Leao waa uu fiican yahay. Rade Krunic iyo Junior Messias iyaguna way wanaagsan yihiin. Haddii wax walba ay kusii socdaan sida ay hadda yihiin, way ciyaari doonaan.” Ayuu yidhi Stefano Pioli.

Krunic ayaa ka maqnaa lugtii hore halka Messias oo beddel kusoo galay uu ka maqnaaday ciyaartii Sabtidii ay Spezia Calcio 2-0 ku garaacday AC Milan, taas oo keentay in uu shaki galo imaatinka afarta kaalmood ee sare ee horyaalka Serie A.

Previous articlePremier League Oo Shaaciyey Waqtiga Ay Man City Guddoonsiin Doonaan Horyaalka Premier League
Next articleSadio Mane oo la sheegay in aanu wax mustaqbal ah ku lahayn Bayern Munich oo ay uga dhamaatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here