
Laacibka Manchester City ee Raheem Sterling ayaa rajeynaya in mustaqbalkiisa la xaliyo labada toddobaad ee soo aaddan.
27-sano jirkaan ayaa haatan ku maqan fasax, laakiin waxaa lagu wadaa inuu ku soo laabto ciyaaraha isku diyaarinta bilowga bisha Luulyo.
Sterling ayaa qandaraaska uu kula jiro City waxaa uga harsan hal sano, waxaana uu dalabyo ka helayaa dhowr kooxood oo Premier League ah iyo kuwa Yurub ah.
Labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa xiiseynaya saxiixiisa.
Sida laga soo xigtay Sky Sports , Chelsea ayaa sidoo kale aad u jecel Sterling.
Dhankiisa, xiddiga garabka ka ciyaara ayaa doonaya inuu u ciyaaro koox xilli ciyaareedka soo socda halkaas oo uu ka noqonayo kooxda koowaad ee joogtada ah.
Be the first to comment