Steve Nicol oo sheegay in Lionel Messi uu halis ugu jiro inuu burburiyo qayb ka mid ah dhaxalkiisii

Halyeeyga Liverpool Steve Nicol ayaa sheegay in Lionel Messi uu halis ugu jiro inuu burburiyo qayb ka mid ah dhaxalkiisii Barcelona haddii uu ku laabto Nou Camp xagaaga soo socda.

Khabiirkan ayaa uga digay xiddiga reer Argentina in uu la kulmi karo wajigabax la mid ah kii Cristiano Ronaldo tan iyo markii uu ku laabtay Man United.

Qandaraaska Messi ee Paris Saint-Germain ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan. Warar soo baxayay todobaadkan ayaa sheegaya inuu dib ugu biiri doono Barca marka uu dhamaado heshiiskiisa PSG.

Si kastaba ha ahaatee, Nicol waxa uu shaki ka qabaa in taasi ay noqon doonto tallaabada saxda ah ee Messi. Weeraryahanka ayaa ku riyaaqay in ka badan 16 sano oo guulo qurux badan la gaaray Barca ka hor inta uusan si xor ah ugu biirin PSG sannadkii 2021.

Kadib xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee niyad jabka lahaa oo uu ku qaatay France, waxa uu wacdarro dhigayaa xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 7 gool 12-kii kulan ee ugu horeeyay tartamada oo dhan. Laakiin waxa uu noqon doonaa 36 jir xagaaga soo socda.

Steve Nicol ayaa sheegay inuu arko Messi oo ku socda wadadii Ronaldo kaasoo kursiga keydka saaxiib la noqday tan iyo markii uu ku laabtay Old Trafford.

Ronaldo ayaa awoodi waayay inuu boos ka helo shaxda Erik ten Hag ee Man United, waxaana la hadal-hayay mustaqbalkiisa xagaagii oo dhan. Nicol ayaa u sheegay ESPN FC:

“Mar walba waxaad u maleyneysaa inaad ku laaban karto kooxdaadii hore, waxaad u maleyneysaa inay ku noqon doonto sidaadii hore.

“Nasiib daro, inta jeer ee uu ciyaaryahan isku dayay midaas oo aysan u shaqeynin waa ay badan tahay, kaliya waxaad eegtaa Ronaldo. Haddii aan Messi ahay sida ay haatan wax yihiin ayaan ku daayi lahaa.

“Ilama ahan inuu Messi ku laabto Barcelona oo uu kharibo dhaxalkiisii sababtoo ah Ronaldo waxa uu kharibay dhaxalkiisii Man United. Xaqiiqdu waxay tahay inuu kursiga keydka fadhiyo, dadkuna taas ayay xusuusan doonaan.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*