Steven Gerrard oo amaan ugu qubeeyay saxiixa cusub ee kooxda Chelsea ee Mykhailo Mudryk

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Steven Gerrard ayaa amaan ugu qubeeyay saxeexa cusub ee kooxda Chelsea ee Mykhailo Mudryk kaddib kulankiisii ugu horreeyay ee uu shalay ciyaaray.

Mudryk ayaa bedel ku yimid qaybtii dambe ee kulankii Anfield ku dhex maray Chelsea iyo Liverpool ee barbardhaca goolal la’aanta ah ku dhammaaday isagoo ifafaalo wanaagsan muujiyay.

Xiddiga Ukranian-ka ah ayaa muujiyay tayadiisa sababtay in Chelsea heshiis guud ahaan 100 Milyan oo euro tagaya kasoo bixiso isagoo isticaamalayay xawaarihiisa cajiibka ah iyo goysmadiisa heerka kale ah.

Gerrard ayaa sheegay in haddii uu taageere Chelsea ah ahaan lahaa si weyn ugu farxi lahaa wuxuu ka arkay Mudryk isla markaana uu ku xasuustay halyeeyga ree Holland ee Arjen Robben.

“Haddii aan ahaan lahaa taageere Chelsea ah si xad dhaaf ah ayaan ugu farxi lahaa Mudryk sababtoo ah kaasi wuxuu ahaa bedel aad u xoogan haddii uusan wali taam buuxa ahayna kaddib wax badan ayaa dhinacaas kasoo socda” ayuu yidhi Stevie G.

“Wuxuu u muuqdaa heshiiska dhabta ah, qaar kamida muuqaalada yar yar ee maanta laga qabtay waxay ahaayeen cajiib. Waxyar oo Arjen Robben ah ayuu i xasuusiyay, taabashada koowaad mar ayuu qalday balse shaqada cagtiisa iyo sida uu u dhakhso badan yahay iyo sida xirfada leh ee uu kubadda u xakaymaynayo, aad ayaan ugu farxi lahaa haddii aan taageere Chelsea ah ahaan lahaa”.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*