Steven Gerrard oo doortay xiddiga uu jeclaan lahaa inuu waayihiisii ciyaareed ee cajiibka ahaa kasoo garab ciyaaro

Halyeeyga kooxda Liverpool ahna tababaraha haatan ee Aston Villa ee Steven Gerrard ayaa doortay xiddiga uu jeclaan lahaa inuu waayihiisii ciyaareed ee cajiibka ahaa kasoo garab ciyaaro.

Gerrard ayaa qirtay inuu markasta taageere u ahaa kabtankii ruuxiga ahaa ee Manchester United ee Roy Keane oo ay markasta iskaga hor imanayeen kulanka ugu taariikhda weyn England.

Gerrard ayaa aaminsan in isaga iyo Keane ay lamaane khadka dhexe ah oo isku dheelitiran samayn lahaayeen iyadoo Keane daboolayo difaaca ka dambeeya isaguna weerarka ka qayb qaadanayo.

Keane ayaa kamid ahaa ragga gabi ahaanba bedelay Man United, 12 sano oo uu Old Trafford joogay ayuu kooxdaas lasoo qaaday toddoba horyaal, afar FA Cup, Champions League, UEFA Cup kahor inta uusan ka tagin sanadkii 2005 oo uu Celtic ku biiray.

Gerrard oo ka hadlayay su’aasha ah xiddiga uu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro ayaa yidhi “Anigu markasta taageere weyn ayaan u ahaa Roy Keane laakiin uma ahayn Man United”.

“Waxaan filayaa in dhammaan jiilkayagii marka ay daawadaan heerkii joogtaynta qaab ciyaareedka fiican ee Roy Keane, waxaan jeclaa inaan diilinta kooxda kale galo oo aan haysto qof xaga dambe iga ilaaliya oo qaybta shaqada wasakhda ah, waxaan filayaa isaga ayaa ugu fiicnaa shaqadaas isaga ayaanan dooranayaa Roy Keane”.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*