Halyeeyga kooxda Liverpool iyo tababaraha Al-Ettifaq, Steven Gerrard, ayaa shaaca ka qaaday fikradiisa ku aadan Mohamed Salah.
Qandaraaska Mohamed Salah wuxuu dhacayaa Juun 30, 2025, Liverpool ayaan wali wax wadahadalo ah la furin si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga.
Gerrard oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Mohamed Salah waa qof ku waalan kubada cagta”.
Wuxu sii raaciyay: “Waxaad arki kartaa sida jidhkiisu u eg yahay, sida uu u ilaaliyo cuntadiisa si uu ugu sii socdo heerka sare.”
“Waxa aan rajaynayaa in uu saxiixo heshiis cusub oo 2 sano ah si uu u sii joogo kooxda”ayuu sii raaciyay.