Home Wararka Ciyaaraha Stuttgart 0-5 Bayern Munich: Gnabry oo dhaliyay seddexleey xilli ay sagaal dhibcood...

Stuttgart 0-5 Bayern Munich: Gnabry oo dhaliyay seddexleey xilli ay sagaal dhibcood ku qabteen Horyaalka.

0

Serge Gnabry ayaa saddexley dhaliyay waxana labo gool ku daray Robert Lewandowski iyadoo Bayern Munich ay sagaal dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaanka Bundesliga ka dib markii ay 5-0 ku xasuuqday Stuttgart.

Gnabry, oo ku soo bilowday kulankiisii ​​ugu horeysay muddo bil ku dhow, ayaa furay goolasha qeybtii hore ee ciyaarta Daqiiqadii 40aad, waxaana uu laba jibaaray hogaanka markii laga soo laabtay qeybta labaad kulan albaabada u xirnaa ee ka dhacay Mercedes-Benz Arena.

Gnabry oo aad u shidnaa kulankan ayaa markaas kadib Lewandowski ku caawiyay labo gool Robert Lewandowski ayaana dhaliyay goolashiisa Daqiiqadihii 69aad iyo 72aad ee ciyaarta

Gnabry ayaana dhameystiray seddexleydiisii ​​​​iyadoo hogaamiyaasha ay sii dheereesteen hogaanka horyaalka oo ay ku qabteen 9 dhibcood oo nadiif ah.

Bayern waxa ay dhaawac muruqa ah ku wayday Kingsley Coman, laakiin waxa ay gaartay guushi lixaad oo xiriir ah tartamada oo dhan.

Bayern ayaa jimcaha ku wajaheysa Wolfsburg garoonka Allianz Arena kulankooda ugu dambeeya 2021, halka Stuttgart ay u safreyso Cologne labo maalmood ka dib.

Previous articleWararka Suuqa Caawa: Nat Phillips, Edinson Cavani, Antonio Rudiger, Paulo Dybala, Lucas Digne, Michael Edwards, Kylian Mbappe
Next articleManchester City 7-0 Leeds United: De Bruyne oo labo gool u dhaliyay Xili Hogaanka sii dheereesatay City

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here