Home Warar Ciyaaraha Maanta Supercomputer ayaa soo saartay saadaasha kulanka todobaadka 2-aad ee horyaalka premier League

Supercomputer ayaa soo saartay saadaasha kulanka todobaadka 2-aad ee horyaalka premier League

0

Supercomputer ayaa soo saartay saadaasha kulanka todobaadka 2-aad ee horyaalka premier League waxana ay aaminsantahay in Brighton ay fursad fiican u haysato in ay Manchester United ku garaacdo Amex Stadium sabtida wakhtiga qadada.

Xilli ciyaareedka 2024-25 ee  Premier League ayaa si fiican u dhacay todobaadkii hore, iyada oo dhibco badan oo ay ka soo baxeen kulamadii furitaanka.

VAR ayaa mar kale noqotay mawduuc aad loo hadal hayo, iyadoo taageerayaasha Everton ay ka barooranayeen nidaamka kadib guuldaradii 3-0 ahayd ee ay kala kulmeen Brighton garoonka Goodison Park, ka dib markii nidaamka garsooraha ee muuqaalku uu meesha ka saaray fursad rigoore ahayd.

Eberechi Eze ayaa sidoo kale laad xor ah laga diiday nidaamka intii lagu jiray kulankii Crystal Palace ay 2-1 ku garaacday Brentford.

Waxaa jira ficilo badan oo kale oo soo socda isbuucan, iyadoo Manchester United ay Amex Stadium kula ciyaari doonan Brighton , kuwaas oo ka soo kabtay guul weyn oo ay Everton kaga gaareen Goodison Park.

Kooxda Erik ten Hag ayaa xilli ciyaareedkooda ku bilaabatay si adag laakiin waxa ay guul xilli dambe ah ka gaadheen Fulham habeenkii jimcaha garoonka Old Trafford, waxaana u dhaliyay Joshua Zirkzee daqiiqadii 87-aad.

Supercomputer ayaa aaminsan in Brighton ay haysato fursad fiican oo ay ku heli karto seddex dhibcood sabtida, taasoo siinaysa Seagulls boqolkiiba 39.4 fursad ay ku guuleysato gurigeeda, halka ay siisay Red Devils boqolkiiba 36 fursad ay ku xaqiijin karto guusha.

Sidoo kale Man City iyo Ipswich wuxu ku saadaaliyay in City boqolkiiba 81.6 ay fursad u heysato inay guusha ku gaarto.

Arsenal iyo Aston Villa, wuxuu Arsenal ugu saadaaliyay boqolkiiba 51.1 halka Aston Villa ay heysato furasada guusha 24.7.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here