Supercomputer ayaa beddelay saadaashiisii horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib natiijooyinkii toddobaadkan, waxaana uu xaalad quus ah geliyey Manchester United iyo Chelsea oo uu u diiday inay kasoo muuqan doonaan afarta sare.
Red Devils iyo Blues waxay ku jiraan xilli-ciyaareed xun oo bilowgiisiiba ay xaaladdu ku adkaatay, waxaanay Manchester United haysataa lix dhibcood oo ay ka heshay shan ciyaarood, halka Chelsea ay urursatay shan dhibcood oo kaliya shantii ciyaarood ee ay dheeshay.
Manchester United waxa Sabtidii 3-1 ku karbaashtay Brighton oo usoo booqatay Old Trafford, waxaanay ahayd guul-darradii saddexaad ee horyaalkan bilowga ah, halka Chelsea ay barbarro goolal la’aan ah la gashay Bournemouth.
Supercomputer ayaa kaddib natiijooyinkan, waxa uu saadaal cusub ka sameeyey sida uu noqonayo horyaalka Premier League maalinta ugu dambaysa ee uu suuqu xidhmayo, waxaanu Man United u sheegay in ay ka maqnaan doonto Champions League oo ay u dhici doonto tartanka Europa League oo ay shanaad ku dhamaysan doonto, halka Blues ay iyadu kaalinta toddobaad tegi doonto.
Inkasta oo ay hadda ku kala jiraan kaalmaha 13aad iyo 14aad, waxay sare uga soo kici doonaan boosaskaas balse afarta sare looguma tegi doono Manchester City oo horyaalka ku guuleysanaysa sida saadaashu sheegay, Arsenal, Liverpool iyo Newcastle.
Heerka labaad ayaa waxa u degi doona saddexda kooxood ee Sheffield United, Luton Town iyo Everton oo xilli-ciyaareedkii hore dirqi ku badbaadday.
Halkan kaga bogo saadaasha oo dhamaystiran