Suuqa Kala iibsiga Caawa: Dani Ceballos oo ka tagaya Real Madrid, Antonio Rudiger oo Sharuud ku Xiray Heshiis kordhinta Chelsea, iyo Qodobo Kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Agaasimaha Juventus Federico Cherubini ayaa qirtay in kooxdu ay ka qoomameyneyso saxiixa Erling Haaland markii ay fursad u heleen sanadkii 2017. Goal

Turkiga ayaa xaqiijiyay bixitaanka tababare Senol Gunes.

“Kadib wadahadaladii aan la yeelanay tababaraha xulka qarankayaga Senol Gunes, waxaa la go’aamiyay in la kala qaado,” ayaa lagu yiri bayaankii TFF. TRT

Dani Ceballos ayaa ka tagi doona Real Madrid bisha Janaayo. ABC  ayaa soo warineysa in ciyaaryahanka khadka dhexe uu amaah ugu biiri doono Betis inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. ABC

Graham Potter iyo Thomas Frank ayaa ah musharixiin suurtogal ah inay bedelaan Mikel Arteta oo ah tababaraha Arsenal, sida laga soo xigtay  Team Talk .

Antonio Rudiger ayaa Chelsea sugaya marka ay timaado wadahadalada qandaraaska ee Stamford Bridge Daafacan ayaa doonaya mushahar kordhin, Sport1

Everton ay diyaar u ah inay dib u soo cusboonaysiiso xiisihii ay u qabtay xiddiga Arsenal ee Ainsley Maitland-Niles. ESPN

Real Madrid ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee lala xiriirinayo ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Valencia Carlos Soler, kaasoo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan. Defensa Central

Timo Werner ayaana Qorshaha ugu jirin in uu ka tago Kooxda Chelsea lakin waxa uu sheegay in Mustaqbalka ay wax walbo dhici karaan. 90 min

Real Madrid ayaa bilawday inay kalsooni ku qabto inay soo xero galin karto Paul Pogba xagaaga 2022, sida ay warinayso Mundo Deportivo .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*