Suuqa kala iibsiga Caawa: Wadahadlo u socda Bruno Fernandes iyo Man United, Qorshaha PSG ee Kylian Mbappe, Sheekada Jude Bellingham iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Paris Saint-Germain ayaa mar kale isku dayi doonta inay ku qanciso Kylian Mbappe inuu sii joogo iyagoo doonaya in ay ku qanciyaan heshiis cusub. ABC  

Bruno Fernandes ayaa weli wadahadalo kula jira Manchester United oo ku saabsan kordhinta mushaarkiisa,  sida ay qortay OJogo  .

Arsenal ayaa si aad ah u doonaysay inay iska iibiso Alexandre Lacazette intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagan, sida ay qortay The Mirror.

Juventus ayaa diyaar u ah inay Chelsea kula dagaalanto qadka dhexe ee Monaco Aurelien Tchouameni. sida laga soo xigtay Calciomercato 

Liverpool ayaa raadineysa inay Mikel Merino ka dhigto Qorshahooda B iyagoo baadi goob ugu jira xiddiga qadka dhexe ah ee Borussia Dortmund Jude Bellingham kaasi oo ah bartilmaameedka ugu sarreeya ee Reds, Fichajes.

West Ham iyo Newcastle ayaa qeyb ka ah tartanka loogu jiro kubadsameeyaha Millwall Jed Wallace, sida ay sheegtay Football League World.

Daafaca Leicester Wesley Fofana ayaa ah ciyaaryahan xiiso u qaba ku biirista kooxdaReal Madrid, sida uu qortay Fichajes.

Barcelona ayaa iska diiday fursad ay ku heli lahayd Tanguy Ndombele ama Serge Aurier oo qeyb ka ahaa heshiiska Tottenham ee Emerson Royal, Fabrizio Romano .

Real Madrid ayaa dalab ka gudbin doonta daafaca Juventus Matthijs de Ligt, sida laga soo xigtay  Calciomercato.

Atletico Madrid ayaa labo saxiix weyn sameyneysa suuqa kala iibsiga bisha Janaayo Franck Kessie iyo Robin Gosens ayaa diirada u saaran, El Gol Digital

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*