Home Suuqa kala iibsiga Suuqa Kala iibsiga Maanta: Cavani oo Heshiiska loo Kordhin karo iyo Qodoba...

Suuqa Kala iibsiga Maanta: Cavani oo Heshiiska loo Kordhin karo iyo Qodoba kale oo Xiiso leh

0

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Qeybta Danbe Suuqa kala iibsiga 21 

Barcelona ayaa dooneysa ka tagitaanka Kooxda ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil Philippe Coutinho xagaaga, waxaana ay ka fiirsan doontaa dalabyada amaah ah ee 28 jirkaan. Mundo Deportivo

Ciyaaryahanka khadka dhexe Matteo Guendouzi ayaa ku laaban doona Arsenal xagaaga marka heshiiskiisa amaahda ee Hertha Berlin uu soo idlaado , iyadoo kooxda Jarmalka ay go’aansatay inaysan 21 jirkaan reer France u saxiixin heshiis joogto ah. Mirror

Liverpool ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta daaficii hore ee Real Madrid iyo xiddigii hore ee reer Argentina Ezequiel Garay, 34, kaasoo ah wakiil xor ah ka dib markii uu ka tagay Valencia xagaagii hore.  Express

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa sameynaya wax walba oo uu ku ilaalinayo weeraryahanka reer Uruguay Edinson Cavani, 34, Old Trafford xilli ciyaareedka soo aadan inkastoo uu sheegay inuu u dhaqaaqayo Argentina iyo Boca Juniors. Mirror

Daafaca Bayern Munich ee reer Austria David Alaba ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Real Madrid ka dib markii kooxda reer Spain ay u soo bandhigtay 28 jirkaan 16 kun ginni isbuucii iyo 17 milyan oo ginni oo guno ah. The sun.

Qeybta Hore Suuqa kala iibsiga 21 Maarso

Tottenham iyo Arsenal ayaa lala xiriiriyay hadii ay xiiso u qabaan saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee reer Spain Lucas Vazquez oo 29 jir ah kana tirsan kooxda Real Madrid. Mirror

Daafaca Chelsea Antonio Rudiger, oo 28 jir ah, ayaa u sheegay kooxda inuusan xiiseyneynin inuu furo wadahadalo qandaraas cusub . Athletic.

Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay wadahadalo qandaraas kordhin ah kula bilowdo daafaca bidix ee qaab ciyaareedka fiican ku jira Luke Shaw, iyadoo 25 jirkaan reer England uu ku riyaaqayo qaab ciyaareedkiisii ​​ugu fiicnaa kooxda. Mirror

Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in wadahadaladu ay sii socdaan Edinson Cavani si loo kordhiyo qandaraaskiisa Manchester United. Goal.

Seddex ka mid ah kooxaha culus ee Serie A ayaa xiiseynaya goolhayaha Udinese Juan Musso, kuwaasi oo kala ah Romama, Inter iyo Ac Miöansida ay qortay  CalcioMercato .

Georginio Wijnaldum ayaa ka tagi doona Liverpool dhamaadka xiliciyaareed kaan wuxuuna ku biiri doonaa Barcelona, ​​sida ay qortay Sunday Times.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here