Suuqa kala iibsiga Maanta: Chelsea oo lasoo Saxiixaneysa Leroy Sane, Heshiis kordhinta Salah oo Socota, Sheekada Kylian Mbappe iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Liverpool ayaa sii wadata inay kala hadasho wakiilada Mohamed Salah heshiis cusub oo ku aadan 29 jirka reer Masar. (Liverpool Echo)

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa aad u doonaya in kooxdu ay lasoo saxiixato garabka Jarmalka Leroy Sane, oo 25 jir ah, kana yimid Bayern Munich (Express)

Tottenham ayaa isku diyaarineysa inay u isticmaasho xiddiga qadka dhexe ee reer France Tanguy Ndombele, oo 24 jir ah, si ay ugu beddesho qadka dhexe ee AC Milan Franck Kessie, oo 24 jir ah (Calciomercato)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Everton iyo xulka Colombia James Rodriguez ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Istanbul Basaksehir, iyadoo kooxda reer Turki ay dooneyso inay lasoo saxiixato 30 jirkaan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Arbacada. (Footmercato)

Tababaraha Sevilla Julen Lopetegui ayaa sheegay in kooxda ka dhisan La Liga aysan si ula kac ah uga hor istaagin daafaca reer France Jules Kounde, oo 22 jir ah, inuu u dhaqaaqo Chelsea xagaagan, laakiin ay go’aansadeen inay u wanaagsan tahay inuu sii joogo ka dib markii uu qiimeeyay dalabyada loo soo jeediyay. (Diario de Sevilla)

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Arsenal Mohamed Elneny ayaa weli lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Besiktas, laakiin dalabka mushaharka ee 29 jirka ayaa la sheegay inuu heshiiska burburiyay. (Muraayad)

Agaasimaha kooxda Ajax Marc Overmars ayaa sheegay in goolhayaha reer Cameroon Andre Onana, oo ay dooneyso Arsenal, uu si xor ah uga tagi karo xagaaga soo aadan. (teamtalk)

Kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ee Inter Milan ayaa sidoo kale u dhaqaaqi karta 25 jirkaan iyadoo raadineysa bedelka 37 jirka goolhayaha Slovenia Samir Handanovic. (Calciomercato)

Paris St-Germain ayaa ku rajo weyn in weeraryahanka reer France Kylian Mbappe uu ballan qaadi doono qandaraas cusub inkastoo 22 jirkaan uu doonayo inuu si xor ah ugu biiro Real Madrid xagaaga soo aadan. (theathletic)

Tababaraha Barcelona Ronald Koeman ayaa madaxweynaha kooxda Joan Laporta u sheegay inuu aad u isticmaalo ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Riqui Puig oo 22 jir ah iyo daafaca reer France Samuel Umtiti oo 27 jir ah (Marca)

22 jirka khadka dhexe ee Huddersfield Town Lewis O’Brien, oo ay doonaysay Leeds United xagaagii, ayaa wadahadalo kula jira Terriers heshiis cusub. (examinerlive)

Arsenal ayaa wajaheysa qasaaro aad u weyn kadib markii ay ku guuldarreysatay inay iska iibiso 22-jirka weerarka ka ciyaara Eddie Nketiah xagaagii, iyadoo xiddigii hore ee xulka England ee da’doodu ka hooseyso 21-jirada uu joojiyay dalabkii qandaraaska ee Gunners isla markaana uu awooday inuu si xor ah ugu wareego koox ajnabi ah. bisha Janaayo. (thesun)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*