Suuqa Kala iibsiga Maanta: Man City oo heshay bedelka Aguero, Xaalka Alaba iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Qeybta Danbe Suuqa kala iibsiga ( 13 Maarso )

Manchester City ayaa hogaamineysa kooxaha Manchester United, Real Madrid iyo Chelsea tartanka loogu jiro saxiixa Erling Haaland, sida ay qortay Daily Mail .

Harry Maguire ayaa weydiistay Manchester United inay la soo saxiixato lamaane daafaca dhexe ah oo u dhashay England , sida laga soo xigtay The Transfer Window podcast .

Sida laga soo xigtay Cuatro , City ayaa eegi doonta saxiixa Joao Felix haddii uu baxo Aguero Cuatro

David Moyes ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu Jesse Lingard keeno West Ham si joogta ah madaama ciyaaryahanka khadka dhexe uu sii wado hormarka kooxda. Goal
David Alaba ayaan wali go’aansan halka uu ka ciyaari doono 2021-22, sida laga soo xigtay Le10Sport .
Manchester United ayaa liiska ka saari karta Edinson Cavani sababo la xiriira walaac laga qabo taam ahaanshaha weeraryahankaan, sida ay qortay Manchester Evening News .

Qeybta Hore Suuqa kala iibsiga Maanta ( 13 Maarso )

Manchester United ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso xiddiga kooxda Bayer Leverkusen Edmond Tapsoba, laakiin Bild ayaa ku warameysa inuusan ku imaan doonin qiimo jaban. Bild

Barcelona ayaan meesha ka saarin rajada ay ka qabto iibinta Antoine Griezmann suuqa kala iibsiga ee xaggaagan, sida ay warinayso AS

Liverpool iyo Real Madrid ayaa diyaar u ah inay ku dagaallamaan saxiixa xiddiga Santos Angelo Gabriel, sida uu sheegayo Sport Witness.

Zinedine Zidane ayaa ka gaabsaday wararka xanta ah ee sheegaya in Cristiano Ronaldo dib loogu soo celin karo Real Madrid oo uu ka soo tagayo Juventus, laakiin tababaraha Blancos ayaa weli taageere weyn u ah xidiga reer Portugal. Goal

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Rapid Vienna Yusuf Demir ayaa xiiseynaya kooxo dhowr ah oo waa weyn oo Yurub ah, sida ay qortay ESPN.

Manchester United ayaa wadahadalo la furtay Eric Bailly si ay uga saxiixdo heshiis cusub, sida uu xaqiijiyay Ole Gunnar Solskjaer. Goal

Daafacii hore ee Dortmund Patrick Owomoyela ayaa ku booriyay kooxda ka ciyaarta Bundesliga inay sameyaan wax walba oo ay awoodaan si ay u sii heystaan ​​Erling Haaland, isagoo ku adkeystay inaysan macquul aheyn in la bedelo. Sport1

Kooxda Bayer Leverkusen ayaa ugu cadcad saxiixa Julian Draxler kaas oo si bilaash ah kaga soo qaadan kara Paris Saint-Germain dhamaadka xiliciyaareed kaan , sida laga soo xigtay Todofichajes.

Angel Di Maria ayaa qandaraas cusub u saxiixay Paris Saint-Germain, sida ay xaqiijisay kooxda Goal

Barcelona, ​​PSG iyo Real Madrid ayaa ka mid ah kooxaha baacsanaya daafaca bidix ee kooxda Valencia Jose Gaya, sida ay warinayso ESPN .

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*