Suuqa Kala iibsiga Maanta: Mohamed Salah oo Liverpool ka Dalbaday Mushahar Qaali ah, Manchester City oo Mushaharka u kordhineysa Phil Foden, Sheekada Franck Kessie iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Liverpool weeraryahankeeda Mohamed Salah ayaa doonaya £500,000 toddobaadkii si uu heshiis cusub ugu saxeexo kooxdaas. (Sunday Mirror)

Aston Villa ayaa isku dayi doonta inay u dhaqaaqdo 23 sano jirka khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Weston McKennie. (Sun on Sunday)

Paris St-Germain ayaa wadahadalo Cristiano Ronaldo kala yeelatay heshiis uu kooxdeeda ugu soo wareegayay xagaagan balse aan wax dalab ah ka gudbin taas oo u ogolaatay ku laabashada Manchester United. (Goal)

Romelu Lukaku ayaa sheegay in Inter Milan ay xaalad xun kasoo saartay markii uu dhinaca Man United kaga biiray xagaagii 2019 (Mail on Sunday)

Manchester City ayaa afar jibaari doonta mushaharka da’yarkeeda Phil Foden oo ay ka doonayaan heshiis cusub. (Star Sunday)

Real Madrid ayaa la socotay Eduardo Camavinga mudo saddex sano ah kahor inta aysan xagaagan kala saxeexan Rennes. (Marca)

Tottenham rajadeedii ahayd inay bisha January la saxeexato Adama Traore ayaa dhibaato la kulantay kaddib markii uu xiddigaasi wadahadalo la furay kooxdiisa Wolves oo heshiis cusub usoo bandhigtay. (Sunday Express)

Heshiiskii ay PSG kula soo wareegtay Neymar sanadkii 2017 ayaa guud ahaan ku kacay £489 marka la isku daro lacagtii laga soo bixiyay iyo mushaharka. (Marca)

Halyeeyga Bayern Munich ee Frank Ribery ayaa ku biiraya kooxda Serie A dhawaan usoo dalacday ee Salernitana kaddib markii uu dhacay heshiiskiisii Fiorentina. (Fabrizio Romano)

Tottenham iyo Chelsea ayay dhagtu u taagan tahay kaddib markii uu Franck Kessie diiday heshiis cusub oo ay AC Milan usoo bandhigtay. (Gazzetta dello Sport – in Italian)

Barcelona tababaraheeda Joan Laporta ayaa kalsooni weyn ku qaba tababare Ronald Koeman isla markaana aan lahayn qorshe uu ku eryayo. (Sport)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*