Suuqa kala iibsiga Maanta: Timo Werner oo xiiso ka helaya Bayern Munich, Chelsea oo dib u soo celisay Dalabka Jules Kounde, Sheekada Carlos Soler iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso 25 jirka weerarka ka ciyaara Timo Werner, kaasoo aan ku soo bilaaban kulan Premier League ah Chelsea tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka. (Express)

Chelsea ayaa qarka u saaran inay dib u soo nooleyso xiisihii ay u qabtay 22 jirka daafaca dhexe ee reer France Jules Kounde inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo haddii Sevilla ay hoos u dhigto qiimaha ay ku dooneyso 50 milyan euro. (ESPN)

Blues, oo ay weheliyaan Paris St-Germain iyo Liverpool, ayaa sidoo kale la sheegay inay aad u xiiseynayaan AC Milan iyo qadka dhexe ee Ivory Coast Franck Kessie, oo 24 jir ah . (Calciomercato)

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay weeraryahanka Sevilla Youssef En-Nesyri oo 24 jir ah inuu yahay bedelka mustaqbalka fog ee weeraryahanka reer Gabon Pierre-Emerick Aubameyang oo 32 jir ah, laakiin xiddiga reer Morocco ayaa ka go’an inuu sii joogo kooxda reer Spain. (La Colina de Nervion)

Xiddiga garabka uga ciyaara Bayern Munich Kingsley Coman ayay u badan tahay inuu diido dalab kasta oo kaga yimaada kooxda heysata horyaalka Bundesliga si uu qandaraaska ugu kordhiyo madaama 25 jirka reer France uu “ku riyoonayo” u dhaqaaqista Premier League. (Le10Sport)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Belgium Youri Tielemans waxaa isha ku haya Real Madrid, Barcelona iyo Manchester United iyadoo Leicester ay isku dayeyso inay qandaraaska cusub ka dhigto 24 jirkaan. (AS)

Foxes ayaa sidoo kale xiriir la sameysay kooxda Serie A ka dhisan ee Sassuolo oo ku saabsan garabka Talyaaniga Domenico Berardi, oo 27 jir ah, si ay ula soo wareegto bisha Janaayo. (Leicester Mercury)

Liverpool ayaa bartilmaameedsan doonta xiddiga qadka dhexe ee kooxda Valencia iyo xulka Spain Carlos Soler, oo 24 jir ah, si ay ugu beddesho ninka reer Holland ee Georginio Wijnaldum, oo 30 jir ah, kaasoo xagaagan ku biiray PSG. (Fichajes)

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United iyo xulka qaranka France ee Paul Pogba ayaa qaba in uu tababare Ole Gunnar Solskjaer la soo saxiixdo xiddiga khadka dhexe ee Monaco ee Aurelien Tchouameni oo 21 jir ah (Express)

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa ku faraxsan in Ainsley Maitland-Niles uu sii joogo Gunners, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu wadahadalo gaar ah la yeeshay 22 jirkaan ka dib markii ciyaaryahanka khadka dhexe ee England uu si cad u sheegay inuu doonayo inuu ka tago kooxda xagaaga. (mirror)

Arteta ayaa u soo jeediyay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ingariiska Jack Wilshere oo 29 jir ah inuu tababar la qaato kooxdiisii ​​hore ee Arsenal inta uu isku dayayo inuu helo koox cusub ka dib markii laga soo fasaxay Bournemouth. (mirror)

Everton ayaa isku dayday inay heshiis la gasho kooxda reer Turkey ee Istanbul Basaksehir si ay u iibiso qadka dhexe James Rodriguez oo 30 jir ah, laakiin xiddiga reer Colombia ayaa diiday inuu ka tago Goodison Park. (AS)

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa xaqiijiyay in kulan la ballansan yahay wakiillada Ousmane Dembele, oo 24 jir ah, iyadoo kooxda reer Catalan ay dooneyso inay weeraryahanka reer France ku xirto qandaraas cusub. (Fabrizio Romano)

AC Milan ayaa xiiseyneysa inay xagaaga soo aadan lasoo saxiixato garabka Real Madrid iyo xulka Spain Marco Asensio oo 25 jir ah. (TDFichajes)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*