Home Suuqa Kala iibsiga Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa maraya meel fiican iyada oo kooxo badan...

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa maraya meel fiican iyada oo kooxo badan sameeyeen saxiixyo.

0

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa maraya meel fiican iyada oo kooxo badan sameeyeen saxiixyo.

Xiddigo badan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha kala duwan iyada oo daqiiqad kasta xiddig lala xidhiidhinayo kooxo kale.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa hal xiddig oo ay koox kasta u baahantahay in ay iska iibiso inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Arsenal – Aaron Ramsdale:

Aaron Ramsdale ayaa waayay booskiisii joogtada ahaa ee Arsenal tan ilaa markii uu David Raya yimid kooxda.

Markii hore Ramsdale ayaa ahaa dookha 1-aad ee kooxda Arsenal laakiin haatan waxa uu isku arkay kaydka waxana uu doonayaa in uu isaga tago xagaagan.

Chelsea – Raheem Sterling:

Xiddigan ayaa wacdaro ka dhigay Man City bilowgii xirfadiisa waxana uu kooxda kula guulaystay wax walba oo suurtagal ah.

Si kasta ha ahaatee waxa uu ku dhibaatooday chelsea waxana uu si weyn ugu fashilmay kooxda chelsea ilaa haatan.

Liverpool – Fabio Carvalho:

Wakhti cusub ayaa u bilaabanaya kooxda Liverpool iyada oo Arne Slot noqday badalka tababare Jurgen Klopp.

Arne Slot ayaa fursad siin doona dhamaan xiddigaha kooxda ka hor inta uuna go’aan gaadhin waxana uu xiddiga 21 jirka ah ee Carvalho doonaya in uu u dagaalamo booskiisa.

Laakiin waxa ay u badanntahay in uu isaga tago kooxda hadii uu ku guuldaraysto in uu isku muujiyo Arne Slot.

Manchester City – Kalvin Phillips:

Xiddigan ayaa ku biiray Man City isaga oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican khadka dhexe ee u soo kacaya kubada cagta.

Laakiin Kalvin Phillips ayaa ku fashilmay Man City waxana lagu soo waramayaa in uu dalbanayo in uu isaga tago kooxda.

Manchester United – Casemiro:

Casemiro ayaa la filayay in uu Man United u noqdo mid wax weyn ka badala kooxda.

Laakiin kadib xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay Casemiro ayaa si weyn ugu fashilmay Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here