Home Warar Ciyaaraha Maanta Taageerayaasha kooxda kubadda cagta Israa’iil oo la weeraray

Taageerayaasha kooxda kubadda cagta Israa’iil oo la weeraray

0

Koox muhaajiriin ah oo gaaraysa 24 qof oo uu ku jiro ilmo yar oo 11 bilood uun jira, ayaa maanta dib loogu celiyay magaalada Muqdisho sida ay sheegtay Ergyaga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arimaha hijrada,soo galootiga iyo xuquuqda caruurta Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf.

Kooxdan la soo celiyay ayaa laga soo qaaday dalka Tuniisiya, waxana laga soo badbaadiyay kooxo magafayaal ah oo ka doonayay madax furasho.

Maryan ayaa sheegtay in Dawladda Federaalka ay ka go’an tahay in ay gacan ka geysato sidii muhaajriinta Soomaalida ah dib dalkooda loogu celin lahaa.

Midowga Yurub ayaa maalgaliyay qorshaha 24 qof dib loogu celiyay Soomaaliya.

24 kii bishii ina dhaaftay ee Oktoobar ayaa Dawladda Soomaaliya oo kaashanaysa Midowga Yurub iyo hay’addaha IOM-ta iyo UNHCR waxay dhalinyaro Soomaali ah oo tarhriibayaal ah dib uga soo celisay dalka Liibiya, waxayna kala tageen magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Dhalinyaradan ayaa gaaraysay 164 qof, waxana 55 kamid ah la geeyay magaalada Hargeysa, halka 109 kale la geeyay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here