Taageerayaasha kooxda Manchester United oo ku jees-jeesay saxeexa cusub ee kooxda ay xifaaltamaan ee Liverpool ee Cody Gakpo.

Taageerayaasha kooxda Manchester United ayaa barta Twitter-ka u adeegsaday si ay ugu jees-jeesaan saxeexa cusub ee kooxda ay xifaaltamaan ee Liverpool ee Cody Gakpo.

Gakpo ayaa mudo dheer lala xidhiidhinayay Manchester balse Reds ayaa markaliya saxeexiisa dhammeeyay, xiddiga Dutch-ka ah ayaa afar kulan oo uu ilaa haatan ciyaaray aan wax saamayn ah yeelan.

23 sano jirkaas heshiiska 44-ka Milyan ee pound ah ugu soo wareegay Liverpool ayaa qaab adag ku bilawday nolosha Anfield.

Kaddib bandhig kale oo aan wanaagsanayn oo uu ka sameeyay barbardhacii kooxdiisu shalay la gashay Chelsea ayay taageerayaasha United jeexjeexeen Gakpo.

Halkan hoose kaga boggo faalooyinka ay qaar kamida jamaahiirtaasi ka dhiibteen bandhigyada Cody Gakpo:

“Gakpo kaliya waa Timo Werner Dutch ah”

“Waan ku faraxsanahay in Man United aysan la saxeexan Gakpo, ninku waa mid danayste ah”

“Waan ogahay kaliya waa afar kulan balse Gakpo ilaa haatan waxba ma samayn”

“Gakpo ilaa haatan xawaaraha Premier League ayuu ku dhibtoonayaa”

“Waxaan moodayay in Nunez xun yahay balse ninkan Gakpo ayaaba kasii xun, mahadsanid Liverpool”

“Isug, Gakpo waa Matip oo halka hore laga ciyaarsiiyay, isku si ayay u dhaqaaqaan”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*