Taageerayaasha Liverpool oo Qosol u soo qaatay Xiisaha Kooxda ee Daaficii hore Martin Skrtel

Tv-ga ayaa lagu arkay war la xiriira in kooxda ay dooneyso Daaficii hore ee kooxda Martin Skrtel taasi oo ka dhalatay dhibaatada heysata xiligan kooxda ee dhanka daafaca.

waa wakiil xor ah kadib markii uu dhawaan ka tagay kooxda reer Turkey ee Basaksehir lakin dhibka jira ayaa ah in uu dhaawac ku jiro hada.

Taageerayaasha ayaana barta Twitterka isku dhaafsaday sheekada liverpool ee gaartay in xataa ay dib ugu laabtaan daafacyada hore ee kooxda.

inkastoo Liverpool ay dhibaato ka qabto dhanka daafaca hadana dhaawacyadii ugu dambeeyay ee Joel Matip iyo Fabinho waxay la micno tahay inay haatan tahay mid muhiim ah kooxda in ay hesho daafac cusub.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*