Home Wararka Ciyaaraha Taageerayaasha Man Utd oo dhamaantood ku dhago Hadlay Ronaldo kadib bandhigii Martial

Taageerayaasha Man Utd oo dhamaantood ku dhago Hadlay Ronaldo kadib bandhigii Martial

0

Qaab ciyaareedkii wacnaa ee ANTHONY MARTIAL ee isdiyaarinta xilli ciyaareedka cusub ayaa keentay in dhamaan taageerayaasha Manchester United ay taageeraan.

Xiddiga reer France ayaa dhaliyay goolkiisii ​​seddexaad seddexdii kulan ee uu ciyaaray isagoo ku dhameystay kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Crystal Palace.

Martial, oo 26 jir ah, ayaa si khibrad leh u dhameystiray karoos ka yimid Diogo Dalot isagoo dhinac ka dhigay goolhayaha Palace Remi Matthews.

Goolkaasi ayuu ku daray guulihii ay ka gaareen Liverpool iyo Melbourne Victory, waxaana ay sii wadatay rikoorkiisa gooldhalinta seddexda kulan ee United ay ciyaartay xilli ciyaareedka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Jamaahiirta Manchester United ayaana aaminsan in qaab ciyaareedka sarre ee Martial uu dhibaato ku keeni karo weeraryahanka Cristiano Ronaldo.

37-sano jirku kuma jiro socdaalka ka dib markii uu codsaday inuu ka tago kooxda.

Previous articleMan Utd 3-1 Crystal Palace: Martial oo qaab ciyaareed fiican ku jira ayaa markale shabaqa soo taabtay, Rashford iyo Sancho oo goolal raacsaday
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Talaado Ah 19-ka July

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here