Home Wararka Ciyaaraha Taageerayaasha Manchester United oo xidhiidhka kubadda cagta England ugu baaqaya inay ganaax...

Taageerayaasha Manchester United oo xidhiidhka kubadda cagta England ugu baaqaya inay ganaax garka u galiyaan weeraryahanka Man City ee Erling Haaland

0
Ad

Taageerayaasha Manchester United ayaa xidhiidhka kubadda cagta England ugu baaqaya inay ganaax gadhka u galiyaan weeraryahanka Man City ee Erling Haaland.

Cityzens ayaa shalay kor u qaaday horyaalkoodii shanaad ee Premier League ah lix sano gudahood iyagoo Sabtidiiba xaqiiqsaday hanashada horyaalka.

Ad

Jack Grealish ayuu muuqbaahiyaha Sky Sports waraysi ka qaadayay kaddib dabaaldegii Man City balse waxa soo dhex galay waraysigaas Haaland oo si dareen leh ugu yidhi Waan ku jeclahay isagoo dhaaranaya oo leh “I F***king Love You”.

Inuu adkeeyay hadalkaas oo muuqbaahiyaha toos looga maqlayay ayaa ka dhigan wax aan fiicnayn, Dave Jones oo daadihinayay barnaamijka ayaa degdeg raali gelin uga bixiyay waxa Haaland kasoo yeedhay.

Iyadoo dhacdadaasi jirtay ayay taageerayaasha Man United xasuusteen sidii loola dhaqmay Wayne Rooney sanadkii 2011.

Rooney ayaa sanadkaas guul soo laabasho 3-2 ah ku hoggaamiyay Man United oo marti u ahayd West Ham wuxuuna weeraryahanka English-ka ahi dhawr mar ka hor dhaartay isagoo handayaa kaamerada.

Rooney ayaa arrintaas lagu ganaaxay laba kulan isagoo maqnaa kulan Semi Final FA Cup ahaa oo ay Man City la lahaayeen.

Man United ayaa guuldarro kala kulantay City ciyaartaas iyadoo kooxdu ku guuleysatay Koobkeedii ugu horreeyay ee waayaha Sheikh Mansour una ahaa bilawga 15-ka koob ee ay tan iyo wakhtigaas qaadeen.

Previous articleAli Al Bulayhi oo shaaca ka qaaday arrin cajiib ah oo uu ka cabsi qabo haddii Lionel Messi suuqa xagaaga kusoo biiro kooxdiisa
Next articleNeville Iyo Carragher Oo Xushay Shaxda Kooxda Sannadka Ee Premier League, Xiddigaha Ay Isku Khilaafeen & Kuwa Ay Isku Midka Ka Noqdeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here