Khadka dhexe ayaa xukuma ciyaarta. Waxay qeexayaan sida ciyaarta loo ciyaaro waxayna inta badan muhiim u yihiin ka wareejinta difaaca ama weerarka ama joojinta kooxaha ka soo horjeeda.
Inkastoo khadka dhexe ee weerarka, weeraryahanada, iyo garbaha ay badanaa helaan sumcadda inta badan qadka dhexe ayaa sameeya shaqooyinka oo dhan una oggolaada ciyaartoyda maskaxda ku haysa weerarka inay is muujiyaan.
Dhamaan falsafada kooxaha iyo kooxaha qaar waxaa lagu dhisay awooda qadka dhexe iyo tayada ciyaartoyda khadka dhexe. Iyada oo ciyaartoy badan oo khadka dhexe ay dunida soo mareen kuwaasi oo taariikh sameeyay, ma aha wax fudud in la doorto 10ka ugu fiican
Anaga oo aan wax badan isku mashquulin, bal aan jaleecno;
Xusuusin: Kaliya khadka dhexe ayaa loo tixgeliyey. Ciyaartoydii markii hore u ciyaareysay sida qadka dhexe ee weerarka ama garbaha (sida Zidane, Ronaldinho, Maradona iwm) ayaan lagu soo darin liiskan.