Home Horyaalka Germalka Tababaraha Barcelona Xavi oo u duulay Jarmalka si uu wadahadalo ula yeesho...

Tababaraha Barcelona Xavi oo u duulay Jarmalka si uu wadahadalo ula yeesho Erling Braut Haaland.

0
Ad

Maamulaha Barcelona Xavi ayaa lagu soo waramayaa inuu ka mid ahaa wafdi ka socda kooxda oo u duulayay inuu wadahadalo kula yeesho Erling Braut Haaland  horaantii isbuucaan.

Mustaqbalka Haaland ayaa qarka u saaran inuu maamulo suuqa kala iibsiga xagaaga iyadoo koox ka mid ah kooxaha ugu waaweyn Yurub ay xiiseynayaan saxiixa weeraryahanka Borussia Dortmund .

Ad

Manchester United , Manchester City , Paris Saint-Germain iyo Chelsea ayaa ka mid ah kooxaha lala xiriirinayo xiddiga heerka caalami ee dalka Norway, halka Dortmund ay horey u xaqiijisay xiisaha Real Madrid .

Barcelona waxay ku rajo weyn tahay inay xaddo socodka kooxaha ay xafiiltamaan, si kastaba ha ahaatee, majaladda Isbaanishka ee L’Esportiu ayaa werisay in masuuliyiinta kooxda, oo uu ku jiro Xavi, ay Haaland iyo wakiiladiisa kula kulmeen Munich toddobaadkan.

21-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa Dortmund waxaa lagu burburin karaa 63 milyan ginni, kaasoo noqon doona mid firfircoon marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaagan.

Dortmund ayaa weli rajo ka qabta inay sii haysato Haaland, laakiin ciyaaryahanka qudhiisa ayaa horey uga hadlay rabitaankiisa ah inuu ka ciyaaro La Liga.

Haaland ayaa dhaliyay 80 gool kaliya 79 kulan tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda Jarmalka, oo ay ku jiraan 23 gool 20 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.

Previous articleThomas Tuchel oo ka hadlay iibka Chelsea iyo saamaynta uu ku keeni karo kooxda.
Next articleJurgen Klopp ayaa yidhi: “Ma jiraan wax iska beddelay mustaqbalkayga Liverpool”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here