Tababaraha Bayern Munich Nagelsmann oo doonaya in Leon Goretzka uu ku sii hayo kooxda

Bayern Munich ayaa kalsooni ku qabta inay sii haysato Leon Goretzka xilli Manchester United ay xiiseyneyso xagaaga.

Qandaraaska Goretzka ee Bayern waxaa u harsan wax ka yar 12 bilood walina ma uusan saxiixin heshiis kordhin, laakiin tababaraha cusub Julian Nagelsmann ayaa aaminsan in 26 jirkaan uu mustaqbalkiisa u hibeyn doono kooxda.

Nagelsmann ayaa yiri: “Ma lihi ku lug lahaansho ku filan lakin waxan rajeynayaa in uu kooxda sii joogo.

“Dabcan waxaan kala hadlay qorshayaasheyda ku aaddan isaga, waxaan u sheegay inaan ku farxi lahaa haddii uu kordhiyo aniguna sidoo kale waan ku kalsoonahay.

“Waxaa jira mowduucyo dhowr ah oo ku lug leh marka laga hadlayo ka doodista kordhinta qandaraaska.

“Waxaan sii wadi doonaa inaan diirada saaro dhanka isboortiga wax walba oo aan tuso inuu ka mid noqon karo qadka dhexe ee ugu halista badan Yurub, wuxuu leeyahay awood uu ku sii fiicnaado”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*