Home Horyaalka Germalka Tababaraha Bayern Munich oo Sheeko Cusub kasoo saaray u wareegista Alaba ee...

Tababaraha Bayern Munich oo Sheeko Cusub kasoo saaray u wareegista Alaba ee Real Madrid

0
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Austria ayaa si weyn loo soo warinayaa inuu qarka u saaran yahay inuu ku biiro kooxda reer Spain laakiin tababaraha Bayern ayaa weli rajo ka qaba inuu sii joogo xidigan.

Hansi Flick ayaa qirtay in David Alaba uu u muuqdo inuu ka tagayo Bayern Munich iyadoo lala xiriirinayo Real Madrid – lakiin, wuxuu yiri, “rajadu waxay dhimaneysaa ugu dambeyn” taasi oo ula jeedo marka uu xidigan baxo.

Alaba, oo 28 jir ah, ayaa qandaraaskiisa kooxda Bundesliga uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan, warar baahsan ayaa sheegaya inuu ogolaaday inuu si xor ah ugu biiro Real.

Aabaha dhalay ciyaaryahanka, George Alaba, ayaa sheegay Talaadadii in weli aan wax go’aan ah laga gaarin mustaqbalkiisa , iyadoo kooxaha kale ay weli xiiseynayaan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here