Tababaraha Chelsea Enzo Maresca ayaa saadaaliyay in kooxdiisu ay kooxaha Premier League u awood sheegan doonto 5-ta ilaa 10-ka sano ee soo socda laakiin aysan ku jirin tartanka horyaalka xilli ciyaareedkan.
Tababaraha reer Talyaani ayaa marar badan meesha ka saaray soo jeedin kasta oo ahayd in kooxdiisu ay kula tartami karto Arsenal, Manchester City iyo Liverpool dagaalka loogu jiro hanashada Premier League xilli ciyaareedkan.
“Wixii aan ku idhi milkiilayaasha iyo agaasimayaasha ciyaaraha markii ugu horeysay ee aan la kulmo, sababtoo ah da’da, iyo sida ay kooxdu u fiican tahay, aniga ahaan Chelsea shanta ilaa tobanka sano ee soo socota waxay noqon doontaa mid ka mid ah kooxaha ugu awooda badan yurub”.
“Tani waa tii aan ku idhi kooxda markii ugu horeysay ee aan la kulmo, iyadoon loo eegin cidda noqon doonta maamulaha, shanta ama tobanka sano ee soo socota, da’da, kooxda, waxaad awood ku haysan doontaa kubada England”.