Tababaraha Chelsea Frank Lampard oo amaan ugu qubeeyay Tammy Abraham

Frank Lampard ayaa amaanay rikoorka gooldhalinta Premier League Tammy Abraham ee kooxda Chelsea .

Abraham ayaa noqday ciyaaryahankii labaad ee ugu da’da yaraa ee Chelsea u dhaliya 20 gool oo Premier League ah, waxaana ka dambeeya kaliya Eden Hazard.

Abraham ayaa haatan ku faanay 20 gool 47 kulan oo uu saftay Premier League, isagoo dhaliyay shan gool xilli ciyaareedkan.

Tababare Lampard ayaa ku amaanay weeraryahankan hormarka uu sameenayo iyadoo cadaadisyo saarnaa inuu xirto nambarka 9-aad ee kooxda Chelsea.

Aad ayaan ugu qanacsanahay qaab ciyaareedkiisa, Tammy-na wax badan ayuu soo bandhigayaa, ayuu yiri Lampard.

“Waxaan aragnay habeenka kale ee West Ham waana aragnay xilli ciyaareedkan markasta oo uu ciyaarayo.

“Tammy iyo Olivier Giroud wax badan ayey noo soo bandhigeen qaabkooda gaarka ah waqtiyo kala duwan.

“Hadana waa inuu sii wadaa shaqada oo uu horumarka ka qeyb qaataa.

“Xilli ciyaareedkii hore waxa uu u ahaa xilli weyn oo dhab ah oo horumar ah isaga marka loo eego Premier League iyo inuu ahaa lambarka sagaalaad ee Chelsea, waxaana jira shaqo badan oo uu qaban karo.

Aad ayaan ugu faraxsanahay isaga. ”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*